Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa maanta kormeer ku tagey degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe iyagoo sheegay in lacag gaareysa 200’000 oo Doolar lagu bixinayo horumarinta adeegyada bulshada ee degmaadas.
Wafdigan oo uu hogaaminayay agaasimaha guud ee amniga ee wasaarada arrimaha gudaha ayaa gaaray degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, iyagoo kulamo la qaatay ururada bulshada odayaasha dhaqanka ururka haweenka dhalinyarada iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Balcad waxeyna isku afgarteen baahida loo qabo in la horumriyo adeegyada bulshada.
Agaasimaha guud ee amniga wasarada arrimaha gudaha Xuseen Cabdi Aadan iyo Dr. C/laahi Xeydar oo ka mid aha wafdigaasi islamarkaana ay wehliyeen saraakiil ka socotay hey’ada socdaalka aduunka ayaa balan qaaday Laba Boqol Oo Kun Oo Doolar oo lagu dayactirayo adeegyada bulshada gaar ahaan Iskuulada, cisbitaalada iyo xarumaha maamulka degmada.
Qaar la mid ah dadka ku nool degmada Balcad oo iyagu kulamada la qaatay wafdigaasi ayaa muujiyay baahida ay u qabaan in la horumariyo adeegyada bulshada ee degmadaasi iyagoo si diiran usoo dhaweeyay dhaqaalaha ay balanqaaday wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.
Gudoomiyaha degmada Balcad Cismaan Xaadoole ayaa sheegay ineybaahi weyn u qabaan horumarinta adeegyada bulshada isagoo uga mahadceliyay wasaarada arrimaha gudaha dhaqaalaha ay ugu yabooday degmada balcad ee G/Sh/Dhexe.

