Warbixinta Ethiopia oo iska horgeyneysa Farmaajo, beelaha iyo musharaxiinta uu ka guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Caqabado kala duwan kala kulmi doono Musharaxiintii looga guuleystay Doorashada Somalia.

Warbixin ay soo saartay Xaruunta Wada xaajoodka, Cilmi-baaritsa iyo Iskaashiga ee loo yaqaan ”The Centre for Dialogue, Research and Cooperation” isla markaana hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in Dowlada Ethiopia ay walaac xoogan ka muujineyso Caqabada ay Musharaxiinta laga guuleystay ku noqon doonaan Dowlada Farmaajo.

Warbixinta oo ka kooban 10 Bog ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia uu maciin biday misna wada shaqeyn la sameeyay Odayaasha Dhaqanka iyo Maamul-gobaleedyadda Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa Warbixinta sidoo kale, lagu lafa-guray Magacaabista Kheyre, khibradiisa iyo Taageeradda uu ka helay Odayaasha Dhaqanka.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ballanta uga baxay Musharaxiintii uu kaga guuleystay Doorashada, taa oo sababtay inay ka caroodan Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale, lagu sheegay in Musharaxiintaasi ay u muuqdaan Siyaasiyiin Mucaradsan Dowlada Madaxweyne Farmaajo ee aan wali dhisin Xukuumada Cusub, sida ay sheegtay Wada xaajoodka Cilmi-baaritsa Ethiopia.

Warbixinta oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Wakiilo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Abgaal booqdeen Dekedda Ceel-Maraan iyo garoonka dabeeciga ah ee Cisileey oo laga yaabo inay kaga biyo-diidsan yihiin Dekedda Muqdisho.

Booqashadaasi ayaa waxaa lagu sheegay mid muujinayso calaamad looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqii Doorashadda sida warbixinta lagu qoray.

Waxaa lagu muujiyay warbixinta Saluugga Beelaha ee Dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Beelaha qaar u arkaan sidii guul-darro iyo in laga yaabo inay dib u eegaan Istaraatijiyeynta dhaqdhaqaaqooda Mustaqbalka.

Waxa ay warbixinta intaa ku dartay in dhibaato hor leh ay soo foodsaari doonto Dowlada Madaxweyne Farmaajo, waa haddii Beelaha ugu tunka weyn ay Kuraas fiican ka waayan Xukuumada Cusub ee uu Hogaaminaayo Ra’isul wasaare Kheyre.

Warbixinta waxa ay shaki galisay in Madaxweyne Farmaajo uu maareynkaro Beelaha gadoodsan iyo sii wadista xiriirka uu la leeyahay Maamul-gobaleedyadda, gaar ahaan Jubbaland oo ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya Qabaa’illadda daga maamulka Jubalanad.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixintaani kasoo baxday Dowlada Ethiopia, gaar ahaan Xaruunta Wada xaajoodka, Cilmi-baaritsa iyo Iskaashiga ee loo yaqaan ”The Centre for Dialogue, Research and Cooperation” isla markaana hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, ayaa u muuqata mid lagu carqaladeynaayo Dowlada Somalia, iyadoo laga horgeynaayo dhinacyada iminka ku mideysan Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com