Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka ethiopia ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ayu kala dabqaadeyso Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo C/wali Gaas.
Dowlada ethiopia oo damac fog ka leh Somalia ayaa iminka u hanqal taageysa in xiliga doorashooyinka ay Xassan Sheekh uga faa’iideysato maslaxadeeda gaarka ah, waxa uuna qorshuhu yahay in ethiopia ay Xassan Sheekh u adeegsato C/wali Gaas oo uusan kala dhexeyn xiriir fog.
Dowlada ethioipia ayaa xiliyada ay qorsho ka damacsan tahay Xassan Sheekh u adeegsata Colaad siyaasadeed oo laga dhex huriyo labada mas’uul si ethiopia ay maslaxad uga dhex raadiso xalinta Khilaafyadooda.
Madaxweyne Xassan Sheekh oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia, ayaa Ra’isul wasaaraha ethiopia Helamaryam ka dalbaday in Siyaasad wadaag uu ka dhigi isaga iyo C/wali Gaas si uu taageero dhanka codka ah uga helo Xildhibaanada Puntland uga mid noqon doona BFS.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu muddo Seddex maalin ah ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, iyadoo ujeedka uu yahay mid la xiriira arrinta dalabka.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa isna lagu wadaa inuu ku laabto magaalada Addis ababa si arrintaani xalkeeda loo raadiyo.
Dowlada ethiopia ayaa mar waliba maslaxadeeda u marta inay iska horgeyso madaxda dalka si heshiisiintooda ay uga dhex macaashto.
Ma cadda rajada Xassan Sheekh ee ku aadan la midoobida Madxaweynaha Puntland C/wali Gaas oo daba dugaashanaaya Dowlada ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

