25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

EU oo digniin culus u dirtay guddoonka cusub ee BF Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin Kooban oo kasoo baxday Ururka Midowga Yurub, ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka Somalia.

Warbixinta oo aheyd digniin ku socta Guddoonka Sare, ayaa waxaa lagu sheegay inaan laga aqbali doonin in dib u dhac ay ku keenaan qeybaha ka harsan Doorashada.

Ururka Midowga Yurub, waxa uu sheegay in Guddoonka cusub ee iminka la doortay aysan ka weecan Jadwalka Doorashada, waxaana loogu baaqay inay ku daydaan Guddiga KMG Doorashooyinka Baarlamaanka oo ka dhabeeyay qabashada Doorashooyinka wakhtigii loogu tallo galay.

Ururka Midowga Yurub, waxa uu ka digay in Guddoonka Cusub uu ka weecdo Hanaanka ay ku socto daajinta Siyaasada Somalia, waxaana loogu baaqay inay la imaadan qorsho Siyaasadeed cusub.

Ururka Midowga Yurub, waxa uu sheegay in Xildhibaanada cusub looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo nabadeynta Geeska Afrika.

Geesta kale, Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan doorashada hoggaanka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale doorashadii xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacbiga ee ka dhaqan gashay Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News