Faaduma Cusmaan: Waxay geeriyootay ayada oo maanta loo fadhiyey meherkeeda

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ka hor meherkeedii ku geeriyootay Faadumo Cismaan Aadan, waxaana wada kulmay waqtigii farxadda arooskeeda iyo geerida naxtinta leh ee ku timid marxuumadda.

Faadumo ayaa maanta loo ballansanaa meherka iyada iyo Khaalid Maxamed Maxamuud, hase ahaatee waxaa ku soo booday xanuun deg-deg ah oo ay u geeriyootay, isla maanta, sida ay xaqiijiyeen ehellada marxuumadda, waxaana meherka uu isku beddalay tacsi.

Axmed Karaama oo ka mid ah asaxaabta Faadumo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inuu meherkeeda uga yimid dalka dibaddiisa, balse uu maanta joogo tacsida walaashiis oo uu u yimid inuu kala qeyb-galo maalinta farxadda ee arooskeeda.

“Walaashay, isla hadda ayaan u sii lebbistay sidii aan uga qaybgeli lahaa meherkeeda oo ku beegnaa isla maanta. Anigoo waddanka ka maqan ayay igu odhan jirtey ii soo dhakhso walaal aad ila joogtid maalinta farxadayda e. Waan ka xumahay inaan maanta u joogo geerideeda. Walaashay waxaa si lama filaan ah ugu soo booday Faalig,” ayuu yiri Karaama.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qoraalkan waxaan soo qorey iyada oo ay gacmaha iyo wadnuhuba i gariirayaan wallaahi. Ma aqaan waxaan ku sifeeyo dareenkayga,”.

Dhacdadan murugada leh ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada ay ku wada xiriirto ee Internet-ka, waxayna dadku aad u faafiyeen tacsida marxuumadda iyo geerida naxtinta leh ee ku timid, maadaama ay noqotay dhacdo xanuun badan oo murugo xambaarsan.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah dhalinyarada istimaasha Fecebook-ga oo ka hadlayey dhacdadan ayaa sheegay in geerida Faadumo ay tahay mid xanuun badan, isla-markaana ay si gooni ah u taabatay.

“Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun, Alle ha u naxariisto marxuumadda, wlhi inaan garahayn geeri aan maqlo oo ka xanuun kulul maqalkeeda waayadan,” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale gabar lagu magacabao Xafsa Ducaale ayaa dareenkeeda kusoo koobtay waa “Dhacdo murugo leh iyo Qadar Alleh,”.

Tani ayaa ah cibaaro, waana dhacdooyin mararka qaar dhaca, waxaana dhowr bilood kahor sidan oo kale ay ka dhacdey Jigjiga, kadib markii caruus meherkiisii laga soo dareeray uu geeriyoodey, ka dagaal markii uu la rogmaday baabuur uu la socday oo markaas shil galay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii