DENI oo xilka ka qaaday taliyihii ciidanka madaxtooyada, mid cusubna magacaabay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Madaxtooyada Puntland, isaga oo xilka ka qaaday taliyihii.

Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada u magacaabay G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati). Taliyaha cusub ayaa baddelaya Taliyihii hore Ciidanka Madaxtooyada Cabdiqaadir Jaamac Dirir.

Waa markii labaad ee Deni uu beddelo taliyaha ciidamada madaxtooyada Puntland. Bishii May 2020, Deni ayaa magacaabay taliyaha maanta la beddelay kadib markii uu is-casilay Col. Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.

Col. Barkhad wax faahfaahin ah xilligaas kama bixin sababta uu isu casiley, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in sababta ugu weyni ay tahay wada shaqeyn xumo muddo soo jiitameysey oo ka taagneyd madaxtooyada, taas oo u dhexeysey ilaa madaxweynaha ilaa qaar ka mid ah shaqaalaha hoose ee madaxtooyada.

Hoos ka akhriso wareegtada

Garoowe: 15 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 15-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD