Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Faroole oo jawaabo kulul is-dhaafsaday

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka wada tirsanaa guddi siyaasiyiin iyo odayaal magaalada Boosaaso u tegay xalinta dagaalkii ka dhacay ayaa haddalo isu mariyey Baraha bulshada.

Labadan siyaasi oo kasoo jeeda Puntland, kana mid ahaa senatooradii Baarlamaankii 10-aad ayaa, isaga hor yimid qaabka loo xalinayo xaaladda magaalada Boosaaso oo dagaal ku dhex maray ciiimada maamulka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabdullaahi Diyaano.

Isku dhaca labada oday ayaa kasoo bilowday Bayaan ay Boosaaso kasoo saareen Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo Cumar Cabdirashiid oo looga horjeeday go’aanno kasoo baxay Isimada Gobolka bari oo la safta dhinaca agaasimihii hore ee PSF. 

Cumar Cabdirashiid ayaa iska fogeeyay bayaankaasi, kuna sheegay inuusan waxba kala socon, wax talo hana ku lahayn, taasoo ka careysiiyay C/raxmaan Faroole oo ku eedeeyay Cumar C/rashiid inuu ka mid ahaa guddigooda, laguna wargeliyay bayaanka.

“Waxaan caddaynayaa inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaadhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah,” ayuu Cumar Cabdirashiid ku yiri qoraalkiisa

Cabdiramaan Faroole oo magaalada Qardho ka hadlay ayaa sheegay in Cumar uu markii hore ka tegay iyadoo ay doonayeen inuu la joog, kadibna uu qoraalkoodii war kasoo daba tuuray oo ah fahmi la’ yihiin ujeedkiisa, wuxuuna beesha uu kasoo jeedo kula taliyey inuusan siyaasad danbe soo doonan.

“Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin,” ayuu Qardho ka yiri Faroole.

Arrintaan waxay soo jiidatay jawaab kale oo ka timid Cumar C/rashiid, taasoo u muuqatay inay ku socotay C/raxmaan Faroole oo uu ku sheegay inuusan dhexdhexaad ka ahayn arrinta Boosaaso.

“Wafdigii Boosaaso qabtay waxay ka koobnayen marjac, Isimo iyo mid Siyasadeed. Wafdigii Isimada ee nooga fara dhuubnaa arrinka daraf kama noqon mowqifkii Isimada Bari ay qaateen, sidoo kalena marjaca Siyasadeed inuu dhexdhexaad ku ekaado ayey ahayd si Berri xalka ay usoo dhaweeyaan,” ayuu qoraalkiisa jawaabta ahaa ku yiri Cumar Cabdirashiid.

Odayaashii siyaasiyiinta ahaa ee Puntland ayaa hadda ku kala qeybsamay xalinta xaaladda Boosaaso, iyadoo markii hore ay Isimadii ku kala qeybsameen, waxayna Arrinta Boosaaso noqotay mid xalkeedu mugdi sii galay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xigasho: Goobjooge