FIQI oo afar qodob ka soo saaray Galmudug, kadibna weerar ku qaaday Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo war kasoo saaray xaaladda Galmudug ayaa weerar afka ku qaaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ay haatan isku hayaan arrimaha siyaasadda.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Galmudug ay wajaheyso afar mushkiladood oo waa weyn, sida, dagaalka Al-Shabaab, ciidamo laga qaaday Muqdisho, ka qeyli-siinta odayaasha dhaqanka iyo boobka doorashada kuraasta Golaha Shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Fiqi oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale farriin u diray dadka reer Galmudug, wuxuuna ka dalbaday inay isha ku hayaan tallaabooyinka Qoor Qoor.

Halkan hoose ka aqriso:-

Galmudug waxay waajahaysaa afar mushkiladood oo waaweyn oo kala ah:

  1. Argagixisada Shabaab oo dhinacyo badan ka soo hareereysay, weeraro joogta ahna soo qaadaysa, kuwaasoo aan kala kulmayn maamulka wax cadaadis ah.
  2. Ciidamo cabtoy ah oo Qoorqoor Muqdisho ka daabulay oo dhibaato iyo dhaqan xumo ku haya bulshada gaar ahaan magaalooyinka ay ku sugan yihiin ama la geeyo.
  3. Ixtiraam darrada iyo ka Qeylo-siinta odoyaasha dhaqanka beelaha Galmudug uu ku hayo Qoorqoor oo si bareer ah u boobaya kuraastooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo kooxda sii dhacaysa ee Villa Somalia, loogana fadhiyey in uu si cadaalad ah ugu maamulo amaanada uu u hayo, tanoo keeni karta in beeluhu ay aayahooda ka tashadaan.
  4. Iyo ugu danbayn hogaan Qayru-mas’uul ah oo u muuqda in loo keensaday boob doorasho kaasoo aan wax dan ah ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinkaas waaweyn.

Galmudug hurdo maalinkii oo dhan ah iyo telefoon habeenkii oo dhan ah, qosol aan laabta jirin iyo xan aan cidna looga tureyn, safar joogto ah iyo ka ganacsiga siyaasadda laguma sii maamuli karo intaas oo ay wehliyaan ciidamada Gorgor.

Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan wixii hore waa la arkaye sida uu Qoorqoor ugu istaago xal u helidda dhibaatooyinkaas, si gaar ah sida uu ula dhaqmo odoyaasha beelaha Galmudug iyo daahfurnaanta doorashooyinka ka dhacaya Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.