Xog: Cadaadis saaran Gaas & kulan xasaasi oo…

Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee maamulka Puntland Caasimada u ah waxaa maanta ka dhacay shir aan caadi aheyn oo ay iskugu yimaadeen qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi ee ku sugan magaalada Garowe.

Xog Caasimada Online heshay ayaa sheegeysa in shirkaasi diirada lagu saaray sida Puntland ay ka yeeleyso wafuud heer caalami ah iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Garowe si Puntland looga dhaadhiciyo fikirka dhismaha baarlamaanka ee 4.5.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in baarlamaanka ay yeesheen shir Albaabada u xiran yahay, mana wax war ah oo saxaafada loo ogolaaday, balse waxaa inta badan looga hadlayay sida Puntland usoo dhaweyneyso wafdigaasi, maadaama ay jiraan siyaasiyiin diidan in wafdiga magaalada Garowe tagaan.

Madaxweyne Gaas oo u muuqda inuu doonayo qancinta shacabka Puntland ayaa diidan in nidaamka 4.5 lagu soo dhiso aqalka hoose ee baarlamaanka, laakiin waxay u muuqataa in shaqsi ahaantiisa lagu qanciyay fikradaasi laakiin siyaasiyiin reer Puntland ay ku cadaadinayaan diidmada fikirkaasi.

C/welli Gaas ayaa sidoo kale cadaadis wuxuu kala kulmayaa xubnaha beesha caalamka oo doonaya in nidaamka dowlada soo dajisay lagu dabay doorashada baarlamaanka imaanaya dhamaadka sanadkaan.

Waxaa socdo dadaalo kala duwan oo C/welli Gaas la doonayo in looga dhaadhiciyo fikrada uu diidan yahay, maadaama madaxda maamul goboleedyada ay isku raacsan yihiin qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com