25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Wararkii ugu dambeeyey dagaallo dib uga dhex qarxay H/Gidir iyo Biyo-Maal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed kuwasoo kasoo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biyo-Maal.

Inta la ogyahay afar qof oo ah dhinacyada dagaallamaya ayaa ku geeriyooday dagaalka oo billowday shaley galab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Lambar 50 laga maqlayo daryanla hub culus oo labada dhinac ay is weedaarsanayaan.

Waxaa warku uu sheegayaa in ay is hor fadhiyaan labada dhinac sidda wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Lambar Kontan ku warramayaan.

Dagaalka dib uga qarxay deeganka Lambar 50 ayaa daba socda dagaallo soo noqnoqday oo gobalka ku dhexmarayay maleeshiyaadka beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News