Axmed Madoobe oo diiday in uu xiriir la sameysto maamulka 3-da gobal

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gaashanka u daruuray dalab uga yimid maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed kaasoo doonaya in uu xiriir la sameeto maamulka Axmed Madoobe.

Sarkaal u hadlay maamulka Jubba ayaa sheegay in aysan dooneynin wax xiriir ah oo dhexmara maamulka KMG ah ee seddaxda gobal kaasoo dhawaan dowladda ay aqoonsatay.

Wuxuu sheegay in maamulkooda uu xilligan diyaar u ahayn in wax xiriir ah la sameesto maamulka kale ee koonfur galbeed oo ka arrimiya gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose kaasoo kal hore weydiistay maamulka Jubba inuu xiriir la sameesto.

Si kastaba, hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horrey u soo dhaweeyay aqoonsiga maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed kaddib markii dowladda ay heshiisiiyay maamulada koonfur galbeed.

Labada maamul ayaa kuwa kumeel gaar ah balse aqoonsi ka heesta dowladda fedaraalka iyo beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com