War yaab leh oo ka soo baxay maamul goboleedka Puntland & dad u arkay…

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa shaacisay in dadka qaba dulmiga soo jireenka ah sida beelaha la heyb sooco, ay wixii ka hooseeya agaasime guud u tartami karaan.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay qorshe ay dowladdu ku doonayso sidii dadka loo simi lahaa.

Shir ay qaaten madaxda dowladda Puntland ayaa lugu go’aamiyey dadka deggan deegaannada Puntland ee la heyb sooco in mudnaan gaar ah la siinayo haddii ay isku soo taagan wixii ka hooseeya Agaasime.

“Dawladdu waxay ballan-qaadey isbadal iyo cadaalad xaga shaqaalaha ah waxaa hadda ka dib shaqaalaha dawladda lagu soo xulayaa qaabka tartanka furan wixii ka hooseeya Agaasime guud ,mana jiri doonto in la qorto shaqaale cusub, islamarkaana waxaa mudnaan gaar ah la siinayaa dadka qaba dulmiga soo jireenka ah sida beelaha la heyb sooco” ayaa lugu yiri qoraal ka soo baxay shirka golaha wasiirrada ee ay shalay galinkii danbe qaaten.

Warka kasoo baxay dowladda Puntland, ayaa ka yaabiyey dad badan, ayada oo uu u muuqdo mid weli hayb sooc ah.

“Waxaa la yaab leh in lee yahay dadka la hayb sooco waxay u tartami karana xilalka ka hooseeya agaasime, taasi miyaanay hayb sooc ahayn, maxaa u diidaya wixii agaasime ka koreeya?” ayuu yiri aqoonyahan Axmed Hidde, oo la hadlay Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com