Xildhibaano ka hadlay fashilka C/Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo jirta muddo labo sanno ayaa laga filaayay in ay qabto arrimo badan sharci ah balse iska daa in ay qabto howlaha ay ballan qaaday waxay ka bixi la’dahay khilaaf dhex-dheeda ah.

Xeel dheerayaal aad ula socda arrimaha hadda taagan ayaa leh dowladda waxaa laga sugaayay labada sanno ay jirto in ay sameyso 40 sharci balse labo uun ayey qabatay.

Haddaba waa lagu kala aragti duwan yahay cidda leh mas’uuliyadda gaabiska muuqda, dad waxay lee yihiin waxaa leh hey’adda fulinta oo ah xukuumadda kuwa kale ayaa qaba iyana waxaa arrinta ay ka socon la’dahay hey’adda sharci dajinta oo ah baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka horeyna u soo noqday wasiirka dastuurka, wuxuu lee yahay dhaliisha ugu weyn waxaa qaadanaya xukuumadda oo ka gaabisay howlaha looga fadhiyay.

Wuxuu sheegay xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil in sharciyo badan oo xukuumadda u soo bandhigtay baarlamaanka ay noqdeen kuwa waxbo kama jiraan ah deetana dib loogu celiyay.

Baarlamaanka iyo xukuumadda wuxuu dastuurka farayaa in ay dhammeestiraan dastuurka qabyo qoraalka sidda ku qoran qoddobka 69-aad ee dastuurka KMG ah.

Si kastaba, waxaa muuqata gaabis ka dhex jirra baarlamaanka iyo xukuumadda oo ku aadan sharci u sameynta dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com