Wada-hadalladii DF iyo Somaliland oo furmaya iyo arrin hor leh oo ku cusub

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Somaliland ayaa dib u bilaabi doona wadahadlkii bisha August, sidaa shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa.

Wadahadallada, oo markii hore la qorsheeyay in la qabto May, ayaa dib loogu dhigay codsi ka yimid xukuumadda maamul-goboleedka Somaliland.

Si la mid ah sidii hore, Wadahadalka ayaa qorsheeysan in lagu qabto Turkiga.

Si kastaba waxaa markan cusub in Biixi uu sheegay in dal kasta oo daneeynaya in uu gacan ka geeysto fududeeynta wadahadalka ka dhexeeya labada dhinac lagu casumi doono in ay ka soo qayb-galaan.

Waa markii ugu horreysay oo wada-hadallada labada dhinac loo furo cid kasta, haddii warka Biixi uu run yahay.

Labada dhinac waxa ay ka qayb-qaateen wadahadallo xiriir ah oo ka socday Turkiga tan iyo 2012-kii, iyada oo kii ugu dambeeyay lagu qabtay Istanbul bishii April loogana hadlay maamulka hawada sare ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com