Digniintii Uganda laga siiyey weeraro argagixiso oo noqotay run, kaddib….

Kampala (Caasimada Online) – Booliska magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo laga shakiyay inay qorsheynayeen weeraro argagixiso oo ay ka geysteen dalkaasi.

Sida laga soo xigtay booliska , labada ruux ee laga shakiyay (oo midkood uu isku ekeysiiyay dumar) ayaa doonayay inay galaan garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee dalka Uganda, iyadoo lagu xeray goob ganacsi oo ku taala magaalada Kampala.

Patrick Onyango, afhayeenka ciidamada booliska magaalada Kampala ayaa xaqiijiyay wararka ku aadan in la xiray labadaan ruux, waxaana uu sheegay inay socdaan baaritano kale ooku aadan labada ruux ee la qabtay.

“Waxaan kuu xaqiijin karaa in booliska subaxnimadaan ay xereen labo ruux iyagoo ku sugnaa dhismaha ganacsiga ee Forest Mall laakiin idinma siin karo faahfaahin intaasi dhaafsiisan, waxaa weli socda baritaan”ayuu yiri mr Onyango.

Arintaan ayaa imaneysa maalin kadib markii safaarada Mareykanka ay soo saartay digniin ku aadan in muwaadiniinteeda ay ka fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta weeraro ka dhaca garoonka diyaaradaha ee dalkaasi Uganda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Uganda

Caasimada@live.com