Somaliland oo u jawaabtay DFS kaddib xogtii shalay ee CAASIMADA ONLINE

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ee Somaliland ee UCID, ayaa cambaareeyey go’aankii ra’iisul wasaaraha Dowladda federaaalka uu hub badan ku siiyey maamulka Puntland, sida ay Caasimada Online daabacday shalay.

Xoghayaha warfaafinta ee UCID, Yuusuf Kayse Cabdullahi, oo soo xiganaya Caasimada Online, ayaa aad u dhalleeceeyey tallaabada DF.

Yuusuf Kayse Cabdillahi
Yuusuf Kayse Cabdillahi

Yuusuf ayaa yiri “Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid waxa aanu si adag u canbaareyneynaa dawladda Somalia oo #hub aad u badan iyo #tiknikaba siisey maamul goboleedka Puntland una soo rartey si qarsoodiya. Dawlada Somaliland waxaanu u soo jeedineynaa in ay heshiiska lagu khiyaameynayo ka baxdo oo ay qaadacdo, waayo Somalia iyadaa heshiiskii ka baxdey, waxaa kale oo aanu dawlada Somallilnd ugu baaqqeynaa in ay indhaheeda kor u qaado kuna eegto cadawgeeda.”

Warka kasoo baxay xisbiga UCID, oo ay kusoo xigteen Caasimada Online, ayaa astaan kale u ah, sida Caasimada Online ay ugu horreyso helista xogta xasaasiga ah iyo sida loogu kalsoon yahay wararkeeda.

Halkan ka arag war uu Kayse so dhiggay bartiisa Facebook.

maroodi1

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com