Guuleed oo xil cusub loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa maanta oo jimco ah loo magacaabay la taliyaha arrimaha siyaasadda ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, oo lasoo gaaar siiyey Caasmida Online, kuna taariikheysan 29-kii Bishii June, ayaa lagu sheegay in Cabdikariin Xuseen Guuleed loo dhiibay xilka.

Guuleed ayaa is-casilay kadib markii bishii may ay kooxo hubaysan soo weerareen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, halkaaso ay ku nafwaayeen 18 qof.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku fashilmay shaqadii loo dhiibay oo aheyd sugidda amniga dalka, waxaana is-casilaaddiisa ay ka dambeysay cadaadis xooggan oo la saaray Xasan Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Weli Sheekh ayaa wali magacaabin jagadii uu wasiirkii hore ee amniga iska casilay, waxaana si KMG ahaan ah u hayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Cabdi Weli, ayaa shaqadii umadda Soomaaliyeed ay u dhiibatay waxa uu ka dhigay mid beelo gaar ah, Kenya iyo Ethiopia loogu adeego iyo inuu dagaal qabaa’iil ka huriyo dalka.

Magacaabista cusub ee Guuleed, ayaa ka dhiggan in xubnaha kooxda Damu-Jadiid aysan marnaba ka baxeyn siyaasadda Soomaaliya, waxaana tani ay ka dhigan tahay in xaalka uu weli sidiisii yahay.

Sidoo kale, magacaabistiisa ayaa laga qariyey warbaahinta, si aan Xasan Sheekh looga niyad jabin, hase yeeshee Caasimada Online, ayaa waxaa soo gaarsiiyey xubno ku dhow madaxweynaha.

magacaabis guuleed

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com