Ganacsatada Soomaalida ee ISLII oo lagu rogay amar cusub oo yaab badan

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa soo saartay amar ah in ganacsatada Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii ee Nairobi ay u guuraan oo ay ganacsigooda u raraan xeryaha qoxootiga gobalka waqooyi bari Kenya.

Arrinta maxkamadda ayaa daba socota markii wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga uu Soomaalida ku amaray in ay ka guuraan xaafadda Islii oo ay dhawaan ka dhaceen qaraxyo.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaalida ku nool xaafadd Islii ay gabaad siiyeen kooxaha qaraxyada ka geestay caasimada Nairobi siddaas darteedna loo baahan yahay in iyaga la raro.

Si kastaba, waxaa jirta Soomaali badan oo ganacsi ku heestay xaafadda Islii kuwaasoo hadda u guuray waddamada dariska sidda Uganda iyo Tanzania.

Sidoo kale, waxaa la lee yahay ganacsiga xaafadda Islii ayaa noqday mid aad u yaraaday Kaddib markii Soomaali badan ay ka guureen xaafadda Islii.

Kenya ayaa tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya seddax sanno ka hor waxay la kulmeysay weerarro lixaad leh kuwaaasoo dad badan galaaftay, sidoo kale dhaqaalihii Kenya ka soo gali jiray dalxiiska ayaa hoos u dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com