Muqdisho (Caasimada Online) – Wiil Bajaajle ahaa ayaa maanta lagu dilay Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho kaddib markii uu toogtay mid ka mid ah Ilaalada Isbitaalka.
Wiilkan oo lagu magacaabayay Ismaaciil Cabdi Kood; ayaa waxaa uu Bajaajta ku waday qof Haweeney ah taas oo iyana ku dhaawacantay raasta.
Ciidanka amaanka ayaa gacanta ku dhigay Ninka dilka geystay,kaas oo loo taxaabay xabsiga.
Dilka kaddib koox Bajaajlayaal ah ayaa banaan bax ka dhigay Isgoyska Banaadir iyaga oo ka cabanayay dilalka joogtada ah ee loogu geysto Muqdisho.
Dilalka dhallinyarada ku shaqeysta Mooto Bajaajta ayaa ka jira Magaalada Muqdisho iyada oo inta badan dilalkaas ay geystaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa todobaadkan sheegay in tababara saraakiisha iyo ciidamada qaar lagu barayay dhowrista xuquuqda aadanaha lagu barayay ay ka fureen Muqdisho.
Sidoo kale Taliska Booliska ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada dilalka geystay intooda badan gacanta lagu dhigay islamarkaana ay sugayaan sharciga dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

