Ganacsatada khaadka oo laba arrin dartood u joojin waayey khaadka KENYA kuna dhawaaqay war cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin kadib markii Shalay Khaadkii ugu badnaa laga keenay dalka Kenya ayaa ganacsatada Khaadka keena Muqdisho waxay ka hadleen goorta si rasmi ah loo joojin doono Khaadka Kenya.

Guddoomiyaha Ganacsatada Khaadka keena magaalada Muqdisho Qooje Maxamuud ayaa sheegay in labo arin ay sabab u tahay inay si dhaqso ah u joojin waayeen khaadka kaga imaanayay dalka Kenya.

Ugu horeyn wuxuu sheegay inay doonayaan inay soo urursadaan dhamaan dhaqaalaha kaga maqan suuqa, maadaama Khaadka marka ay keenaan badankiis deyn looga sii qaadan jiray.

Arinta Labaad wuxuu ku sheegay inay Khaadka joojin doonaan haddii xiriirka Kenya iyo Somalia uusan wax iska badalin labada todobaad ee soo socota, islamarkaana xiligaasi ay ka shaqeyn doonaan sidii ay lacagahooda usoo ceshan lahaayeen.

Hadalkii uu ku dhawaaqay maalin ka hor ayuu sheegay in Afka uu kasoo boobay.

“Khaadka joojintiisa caadiga ah waxaa awood u leh dowladda Soomaaliya, laakiin hadalkii horey wuu iga fakaday oo kaliya, kalmadaa afka ayaa boobay, laakiin hadda waxaan qorsheyneynaa inaan soo urursano dhamaan lacagihii naga maqnaa, sababtoo ah lacago badan ayaa naga maqan”

“Hadda qaadka waan keeneynaa labada todobaad ee soo socota, lacago badan ayaa inooga maqan beeraha Khaadka iyo ganacsatada gudaha Soomaaliya, markaan soo urursano haddii xiriirka wax iska badali waayo waan joojin doonaa, muddo 14 maalin ah kadib.”ayuu yiri Mr Qooje.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com