Monica Juma: Kenya waxa ay ka walaacsan tahay in looga guuleysto siyaasada arrimaha Dibadda

Nairobi (Caasimada Online) – Monica Juma wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa shaacisay walaaca ugu weyn ee ka heysta arrimaha dibadda, waxaana ay sheegtay inay ka baqeyso in siyaasadda arrimaha dibadda iyo diblumaasiyadda looga guuleysto.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Ms Juma oo hortagtay guddiga difaaca iyo xiriirka arimaha dibadda baarlamaanka Kenya ayaa shaacisay in dhaqaalaha loo qorsheeyay wasaaradda aysan ku filneyn siyaasadda arrimaha dibadda.

Kulankii shalay ay ku hortagtay guddiga difaaca baarlamaanka Kenya ayaa ujeedadiisu aheyd inay ka hadlaan arimaha xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, balse kulanka kadib ma jirto cid warbaahinta kala hadashay arimahaasi.

Waxay sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ku adkaan doonto inay gasho tartan diblumaasiyadeed oo dhanka dibadda ah, marka la eego dhaqaalaha loo qorsheeyay wasaaradda.

Monica ayaa sheegtay inaysan sahlaneyn in wasaaradooda arimahaasi ku guuleysato, haddii aan la kordhin miisaaniyadda wasaaradda loo qorsheeyay.

Sanadka soo socda ayey codsatay in miisaaniyadda loo kordhiyo si ay u gasho howlo badan oo hadda qabyo ka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com