Faah-faahin: Maandooriye la isku dagaalay oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahinno ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Wisil gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay dagaalameen maleeshiyaad isticmaalayey maandooriyaha Khamriga.

Ugu yaraan illaa qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaan haatan socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Mudug oo ku aadan dagaalkaasi khasaaraha geystay.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobolkaan ku soo badanayey isticmaalka maandooriyaha Khamriga oo dhibaata ku haya deegaanka.

Mudug waxaa ku soo laa laabta dagaallada u dhexeeya beelaha qaar ee wada daga gobolkaasi, iyadoona dhowaan heshiis nabadeed la kala dhex dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo, kadib dadaallo uu sameeyey taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cabdixamiid Maxamed Dirir.