Faah-faahin: Nooca kullan Shariif Xasan & Axmed Madoobe dhex maray

Nairobi (Caasimada Online) Ilo wareedyo lagu kal soon yahay ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay, in kulan uu ku dhexmaray magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya afhayeenkii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo gudoomiyaha ururka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Shariif Xasan oo hadda ah xildhibaan ayaa ku mashquul san maamul u sameenta gobalada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kaasoo loo bixin doono Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Wuxuu maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu ka waday kulamo ballaaran oo looga hadlaayo siddi lagu taageeri lahaa maamulkaas oo ugu dambeen uu ka noqon doono madaxwayne.

Illaa hadda ma cadda xilliga lagu dhawaaqi doono maamulkaas, oo dadka la dhacsan uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isku gobal ay ka soo wadajeedaan.

Maxay ka hadleen Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe?

In kastoo kulanka dhex maray labada nin uu ahaa mid qarsoodi ah, haddana Shariif Xasan ayaa ka codsaday Axmed Madoowe in uu ku taageero maamulka uu wado ee ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadama uu Axmed Madoobe isna doonayo in uu sameeyo maamulka Jubbooyinka, oo ah Jubbada Hoose, Dhexe iyo Gedo.

Haddaba kulamadan ka socda Kenya, waxa digniin durba ka bixisay dowladda Soomaaliya?

Safaaradda Soomaaliya ay ku lee dahay Kenya, ayaa sheegtay in ay ka digeyso shirarka ka socda Kenya ee looga hadlaayo maamul u sameenta gobalada qaar waddanka oo ay dowladda ka warqabin, taasoo ay sheegtay in ay caqabad ku tahay horrumarka dalka iyo deddaalada ay waddo dowladda uu hoogaamiyo madaxwayen Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdsataar Xasan Cali oo ah Xoghayaha saddexaad ee safaarada Soomaalida ee dalka Kenya oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey Afhayeenkii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan inuu magaalada Nairobi ka wada abaabul iyo kulamo ku saabsan maamul uu damacsan yahay inuu ka dhiso gobolada Koofur Galbeed Somalia gaar ahaan Bay iyo Bakool, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxu sheegay in dhismaha maamul goboleedyada ay xaq u leedahay oo kaliya dowlada Soomaaliya marka laga reebo kuwii horrey u jiray sida Puntland iyo Galmudug oo kale.

Dhawaan magaalada Nairobi waxa kulan ku yeeshay Sheekh Axmed Madoobe iyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, kulankaas oo looga hadlay maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka, wax natiijo ah kama soo bixin, waana lagu kala kacay sida ay lee yihiin dad goobjoog ka ahaa kulanka.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dhalliinsan yahay qaabka la rabo in maamul loogu sameeyo gobaladaas, wuxuu isaga sheegay in maamulka laga bilaabi doono heer tuulo illaa gobal, kaddib maamul guud oo loo siman yahay la sameeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi