Faallo: Dawlada Deegaanka Khaatumo: Sanad Guuro Sad leh

Dawlada Deegaanka Khaatumo oo G’u jirsatay ayaa lagu yagleelay deegaan dadka dagaai u hamuun qabeen inay mar un arkaan calanka Soomaaliya oo ka dul babanaya ciidooda. shacabka Khaatumo waxay waqti dheer u hureen xaqiijinta himilada soomaliyeed ee xornimada iyo madax banaanida iyagoo u huray naf, muruq iyo maalba. inkastoo ay taariikhdu xusayso halgankaas ayaan waxaan maalin aan fogayn dib u milicsaday sida taariikhda caalamiga ahi u xariijisay naftihurnimadii ay shacabkani u galeen inay hir galiyaan qiyamka soomaliyeed oo ay ugu horayso hanashada masiirka iyo ayaaha ay leeyihiin bulshooyinka soomaliyeed. hadaba waxay ahayd maalin taariikhi dharaartii ay shacabka xorta ah ee waqooyigu uguna horeeyan dadka daga deegaanada Khaatumo ay calankoodii ula hirteen si ay u hirgaliyaan himilada shacabka soomaliyeed ee yagleelida dawlad soomaliyeed waxaa taas ula mida maalinta ay shacuubta Khaatumo u istaageen ka hortagida fikradaha dib u socodka ah ee ay awalba ka dhiidhiyeen ee salka ku haya Soomaali kala fogayn iyo xayndaabyo aan sinaba u waafaqsaneen fikirka xorta ah ee shakhsiga soomaliga ah. halkani waa dulucda maqaalka, maalinta ay shacuubta Khaatumo dib u yagleeleen dawlad hiigsanaysa horumarinta shacabkeeda, ka hortaga hagardaaooyinka kala goynta iyo u hiilinta midnimada umada soomaliyeed, Khaatumo state of Somalia.

Waxay ahayd maalin khamiis ah taariikduna ahayd 13/01/2011, waa maalintii dadka daga deegaanada Khaatumo ay ku tabantaabiyeen taladooda inay tiirka u dhigaan Dawlad Deegaameed taabagalisa nabadgalyada, horumarka, midnimada iyo cadaalada. waxay ahayd maalin ay dadka deegaanada Khaatumo dagaai ku tashadeen inay ka hortagaan kala-goynta umada soomaliyeed si hufana ula shaqeeyaan dadaalada lagu doonayo in dib loogu yagleelo dawlad soomaliyeed. waxay ahayd maalin ay shacabka soomaliyeed aad ugu farxeen in dhulkii waqooyi ay ka soo yeerto dhawaaq lamida kii 1960, dhawaaqani si ahaan wuxuu uga duwan yahay kii 1960 in qaybo yar oo kamida shacabka waqooyi ay u hanqal taagayaan inay soomali kala gooyaan hasa yeeshee waxaa iska cad in kala-goyntu aysan ahayn mid fudud oo ay hortaagan yihiin shacuub ay ka goantahay ilaalinta midnimada.

Habeenka axada ah, saacaduna ay tahay 6:00 habeenimo, taariikhduna ay ku beegantahay 13/01/2013, waxaa dhamaan deegaamada Khaatumo la saari doonaa heesta calanka soomaliya iyo kan deegaameedka Khaatumo iyadoo ay damaashad iyo farxad wadaagi doonaan waa idanka alle e qaybo badan oo bulshada soomaliyeed ah taas oo lagu muujin doono wadiniyad iyo soomalinimo. intaas waxa xiga in guutooyinka daraawiishtu ay maalinmada axada ah muujin doonaan cududooda millatery iyo sida ay heegan ugu jiraan hirgalinta hamiga soomalia ee midnimada iyagoo ay raxan raxan u mari doonaan fagaarayaasha magaalooyinka iyo waliba furimaha hore ee midnimo difaaca. maalintani waxay qadarin ka mudan tahay qof kastoo soomali ah waxayna ka turjumaysa niyadsamida dadka waqooyiga oo ay ku maxaabsadaan shakhsiyaad ku fashilmay siyaasada hungurina biday inay ku qaraabtaan kala-goynta soomalia. waxaa intaa xiga in maalintani, ay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshooyinka deegaanada Khaatumo ay kor u qaadi doonaan calanka buluuga ah ee soomaliwayn iyo kan deegaameedka Khaatumo.

Inkastoo ay sii shiiqayso fikradihii guracnaa ee ay siyaasiinta kala-goyntu ku maxaasnayeen, hadana waxaa jira in deegaamo kalle oo waqooyiga ahi inay ganafka ku dhufteen u adeegida aragtidan caal-waaga ah. hadaba waxaa muran ma doonta ah in bilawgii dawlada Khaatumo uu yahay dhamaadkii fikrada kala-goynta sida uu u ahaa kicitaankii Dawladii Daraawiishtu dhamaadkii gumaysigii ama gumaysi u adeegii ingiriiska. suaashanu waxay gunaanad u tahay maqaalkan.

intee in le’eg ayay socon kartaa fikradan caal-waaga ah ee kala goynta soomalia?

W/Q: Dr. Abdijaliil Mahamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.