Sababta iyo habka lagu ogaado dilalka Somalida K/Africa

Johannesburg (Caasimada Online) Warbixin ay soo saareen maanta oo Arbaca ah, guddiga jaaliyadda waddanka Koonfur Africa, ayaa lagu sheegay in ay aad u yaraadeen dilal loogu geesto dalkaas Soomaalida ku nool, gaar ahaan kuwa jira ganacsiga.

SABABTA MAXAY TAHAY?

Guddoomiyaha guddiga Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Africa, Cabdi Raxmaan Yuusuf Caabi oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in sannadkan sii dhammaanaya waddankaas lagu dilay tiradii ugu yareed ee ah dadka Soomaalida.

Wuxuu sheegay in sannadkan in ku dhawaad 100-qof oo Soomaali ah la dilay, marka loo eego warbixintada ay diiwangaliyeen isla markaana 127- kale la dhaawacay.

“Waxa aan soo saarnay maanta warbixin ay ku qoran yihiin tirakoobka sannadkan lagu sameeyay Soomaalida lagu dilay ama lagu dhaawacay K/Afrika, oo aan sannadkasta aan sameeno, marka waxa jira guddi loo xilsaaray in ay sannad kasta ay sameeyaan qiimeen ku saabsan Soomaalida lagu dilo waddankan”

Wuu sii hadlay, wuxuu yiri : “ Illaa 100-ruux ayaa meelo kala duwan la dilay sannadkan, 127-kalena waa la dhaawacay, waa laga yaabaa waayo waddanka waa uu ballaaran yahay, oo waxa jiri kara meelo aan gaarin ama aan maqlin in Soomaali lagu waxyeelayay oo halkaas lagu dilay ama lagu dhaawacay, laakin waxan dhihi karnaa waa 95% tira koobka aan sameenay ” ayuu yiri Cabdi Raxmaan Caabi.

SEE LAGU OGAADAA DADKA LAGU DILO TUULOOYINKA AMA MEELAHA KA FOG MAGAALOOYINKA?

Mar la waydiiyay sida ay ku ogaadaan dadka lagu waxyeelo meelaha tuulooyinka ama fog-fog, wuxuu ku jubaabay: “ Inta badan waxa aan sameenaa meesha ay ku yaalaan 10-dukaan waxa ka dhisan maamul, marka iyaga ayaa diiwangaliya oo u soo gudbiya xarunta”

Waxa kaloo uu sheegay in uu jiro kulan seddax jeer dhexmara sannadkii xubnaha ku jira ururka jaaliyadda Soomaalida ee waddanka K/Afrika.

MA JIRAAN HEY’ADDO KALE OO GACAN KA SIIYA DIIWANGALINTA DILALKA SOOMAALIDA LOO GEESTO?

Waxa kaloo la waydiiyay guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka K/Afrika in diiwangalintan uu sameeyo ururkooda ka sakow in iyana ay sameeyaan diiwangalin bilayska waddankaas?

Wuxuu ku jawaabay? “ Haa dowladda waa ay diiwangalisaa dilal ama dhaawacyada loo geesto Soomaalida ku nool waddankan, waayo qofka marka uu dhinto waxa la keenaa Isbitaalka, halkaas ayaa laga diiwangaliyaa, waa meelaha laga heli karo xogta oo ugu fiican ee laga heli sannadkaas wixii dhacay,”

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaybta bilayska diiwangalinta dhimashada oo iyana la wareega meydka oo iyana wax diiwangaliya, marka uu ku dhinto isbitaalka oo ay ku sameeyaan qaliin, labadaas qolalaba diiwangalinta waa ay ka qaybqaataan, laakin annaga mar walba waxa aan sameenaa diiwangalin ka madaxbannaan kuwaas ayuu yiri guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee waddanka K/Afrika.

Si kastaba, waddanka K/Africa waxa uu ka mid yahay waddamada sida wayn loogu dhibaateeyo dadka Soomaalida, mana jirto dowlad u istaagtay siddii loo joojin lahaa dhibka lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool oo u badan ganacsato.

Dhowr jeer ayaa Soomaali ku nool wadankaas la dilay, qaar kood waa la gubay,ama si fool xun ayaa loo galay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi