Qurbo-Joogta Puntland oo ka qeylisay ficilladii maamulka Faroole (Bayaan)

KA: QURBA-JOOGTA  PUNTLAND

KU: MADAXWAYNAHA PUNTLAND   –   GAROWE

OG: HEY’ADAHA CAALAMIGA (UN, AU, ARAB LEAGUE, OIC, IGAD) 

UJEEDDO: SII DAYN SHURUUD LA’AAN NABADOONO IYO WAXGARAD LAGU XIREY GAROOWE

MARKAAN ARAGNAY dhibaatooyinka ugubka ah ee uu maamulka Puntland la soo baxay, oo ka koobnaa xariga, jirdilka, bahdilkii iyo kala cayrintii uu Maamulka Puntland u gaystey odoyaashii, nabadoonadii iyo aqoon-yahankii u yimid Caasimadda Puntland (Garoowe) inay darsaan oo ka talo bixiyaan jawiga qalafsan ee Puntland;

MARKAANU DHEEHANAY dastuurka Puntland ee qeexaya xoriyadda hadalka, fikirka, kulanka iyo dhaqdhaqaaqa mawaadiniinta Puntland ay ku joogi karaan dhammaan magaalooyinka Puntland;

ANNAGOO OG in Nabadoonada, odayaasha iyo waxgaradku ay si nabad buuxda ah ku socdeen oo ay ku cabirayaan fikirkooda kaga aadan xaaladda Puntland;

MARKAANU DHEGEYSANNEY OO DERISNAY hadaladii fal-celiska ahaa ee uu jeediyay guddoomiyaha Gobolka Nugaal kadib markii qaar ka mid Nabadoonadii, odayashii iyo waxgaradkii la xirey; qaar kalena la jir diley; qaar kalena loo diidey iney soo galaan caasimadda Puntland ee Garoowe;

WAXAA NOO SOO BAXDAY  in maamulka Puntland uu masuul buuxa ka yahay, kana ahaan doono dhibtii soo gaartay nabadoonada iyo waxgaradka xiran iyo waxgaradkii kale oo la jir diley . Waxaan dareensanay in dowladu xad-gudub qaawan ku samaysay xeerarkii aasaaska u ahaa ee xuquuqul-insaanka ee banaynayay in dadku fikirkooda si xor ah ku dhiiban karaan.

Waxaa nagu maqaalaa in maanta siyaasiyiin ka socota maamulka Faroole ay nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo nabadoonada kale xabsiga ugu tageen, oo ay halkaas u soo bandhigeen odoyaasha inay ka tanaasulaan fikirkooda, oo ay Garoowe ka baxaan; badalkeedana xabsiga laga sii dayn doono lana siin doono dhaqaale. Wararka soo baxayaa waxay xaqiijinayaan in nabadoonadu si caro leh u diideen dalabkaas ayna ku adkaysteen inay Garoowe jooggayaan, ayna shir jaraa’id qaban doonaan marka la sii daayo oo ku saabsan sidii loola dhaqmay intii ay xabsiga ku jireen. Waxay nabadoonadu ku adkaysteen in dowladu qoraal rasmi ah ka soo saarto sababtii loo xiray iyo sidoo kale in dowladu u soo gudbiso qoraal rasmi ah oo looga saarayo odoyaasha magaaladda Garowe.

WAXAAN SOO JEEDINAYNAA in maamulku si degdeg xoriyadooda u siiyo nabadoonada iyo waxgaradaka xir-xiran oo uu ay horeeyaan Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Abdi-Kaafi Hassan Mohamed oo ah ku-xigeenka Hay’adda Daryeelka Bulshada. Waxaa kale oo laga sugayaa maamulku inay raali galin iyo mag-dhaw munaasib ah ka bixiyaan xarigii, jir-dilkii iyo ihaanadii uu u gaysatay dhamaan nabadoonadii iyo ergooyinka doonayay inay shirka ku qabsadaan caasimada Puntland ee Garoowe.

WAXAAN DARREENSIINAYNAA Maamulka Puntland inay ilaaliyaan maqaamka caasimadda oo aan la dareensiin shacabka Puntland inay Garowe tahay wax ka yar caasimaddii dadka u dhexaysay.

1) Said Abdi Firin (Galkayo, Somalia)
2) Ahmed   Ali   Bihi  (Cairo, Egypt)
3) Abdinur Abdinasir Ahmed (Galkayo, Somalia)
4) Maxamuud M. Jaamac – Sayruuq (Oslo, Norway)
5) Abdulqani Ali Ahmed (Geneve, Switzerland)
6) Xusseen Abdulle Abdi – Ceelbuur (Riyadh, Saudi Arabia)
7) Ahmed-Kamas Xirsi (London, United Kingdom)
8) Mohamed Abdullahi Warsame (carab-cudud) (Leicester, UK)
9) Abdiqani Maxamed cali
10) Abdi-Nur Yusuf (Galaal) Faarax Gure
11) Abdiaziz Maxamed Cali (Haji) – (Dubai, United Arab Emirates)
12) Abdirisaq Abdirahman Hassan (Gosol) – (Birmingham, UK)
13) Pharax Mohamed Osman (London, UK)
14) Abdinur Xuseen Faarax
15) Farah Jama Farah (Shillinson) – (Nairobi, KENYA)
16) Khadar Jama
17) Yassin Said Aden (Munich, Germany)
18) Mohamud Yassin Ahmed (Italy)
19) Ali Farah Curdan (Germany)
20) Joome Farabadane Guhad (Galkayo, Somalia)
21) Haybe Abdi Jama Guhad
22) Abdiwai Bashir Mohamud (London, UK)
23) Abdi  Hussein
24) Jibe Ciise cabdi (Sweden)
25) Adam (Dheere) Mohamed Abdulle (Sweden)
26) Abdinur Jama Gurey
27) Faisal Abdullahi Jama (UK)
28) Said Jaamac Biixi (USA)
29) Anwar Abshir (UK)
30) Abdiwali Mohamed Ali (Dubai, UAE)
31) Mohamed Ahmed Gashan (London, UK)
32) Abshir Jama Elmi (USA)
33) Mohammed Dahir Hussein
34) Hassan Mohamud Dalmar (Sweden)
35) Mohamed Xoosh Indhacade (UK)
36) Abdirahman Nur Hassan (Suudi) (UK)
37) Yahya Farabadane (UK)
38) Shafici Ahmed Jamac (UK)
39) Abdinasir Abdulle Ali Ilweyn (UK)
40) Ahmedey Ali Gurey (UK)
41) Gashan Abdirizaq Yusuf (USA)

Nagala soo xiriir:

Abdiwali Bashir

London, United Kingdom

Email: abdialonge@yahoo.co.uk

Email: abashiruk@aol.com