Faah-faahin: QARAX caawa ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa caawa ka dhacay waddada 21-ka October ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo si aad ah looga maqlay inta badan magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Wadada 21-ka October, gaar ahaan agagaarka Dugsiga Al Massal (Al Mathal), Ex Ventuno October School, oo berrito lagu wado in lagu galo Imtixaanaadka Shahaadiga ee Fasalka 8aad.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Dugsiga Al Massal ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ilaalo ahaan u joogay, haddii Sabtida lagu qabanayo Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu bartilmaameedkiisu ahaa gaari wadada maraayay, balse aynaan waxyeelo ka soo gaarin dadkii gaarigaasi la socday, sida ay inoo xaqiijiyeen Masuuliyiinta Degmada Waaberi.

Xilligii uu qaraxa dhacaayay waxaa wadada maraayay gaadiid kale, mana jirto waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi, illaa iyo hadda inta laga warqabo.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida oo gaaray goobtaasi ayaa hakad geliyay isu socodkii gaadiidka iyo dadkaba, iyagoona ka wada baaritaan amni xaqiijin ah. Muqdisho waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay miinooyinka nooca dhulka lagu aaso, ee meelaha fog fog laga haggo.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay lalana eegtay gaari marayay meel ku dhow dugsigii hore ee 21-ka Oktoobar. Illaa iyo lama oga khasaaraha ka dhashay illaa iyo hadda.

Magaalada Muqdisho oo bilihi dhowaa ay aad uga yaraadeen qaraxyada ayaa waxaa muuqata in labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ay dib uga soo cusboonaadeen qaraxyada.

Laba askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa 8-dii July ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa ka dhacay degmada Hodan, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Sidoo kale, qarax uu Sabtidii 4-ta July ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee magaalada, qaraxaas oo sidoo kale loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey.