Video: Xasan Sheekh oo soo saaray digniin la xiriirta shirka madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kana mid madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kaga digay madaxda dowladda federaalka Somalia ay carqaladeeyaan yididiillada laga sugayo shirka aysan mas’uulka ka aheyn ee madaxda dowlad goboleedyada ugu socda magaalada Dhuusomareeb.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaalida iyo guud ahaan inta daneysa ay mastaqbalka dalka yididiillo fiican ka sugayaan shirka magaalada Dhuusomareeb ay ku leeyihiin madaxda maamul goboleedyada dalka, wuxuuna hoggaanka madaxda DFS uu ka codsaday inaysan carqalad ku noqon shirkaasi isagoo kula taliyay inay ka waantoobaan wixii ay horay u sameyn jireen caqligana usoo laabtaan.

“Hoggaanka dalka iyo DF waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan, caqliga usoo noqdo, wixii ay sameyn jireen iyo wadooyinkii hore wado aan aheyn ayaa hadda loo baahan yahay inay cabiraan, shirkaasi bilowday ee Dhuusamareeb ee Soomaalida sidaas u wada eegeyso waxaan rajeynayaa inaysan carqaladeyn, oo aaneyn tashwiish ku furin oo ay ka dhowrsadaan, kana gaabin, hadii ay intaas ka dhowrsan waayaan waxaan shacabka Soomaaliyeed ama madashaba u sheegeysaa cawaaqibka ka dhasha tallaabada dowladda dhexe ay muqdisho ka qaato iyo go’aanada siyaasadeed ama dhaqanka siyaasadeed oo ay la yimaadaan, mas’uuliyadeeda iyagaa qaadaya” ayuu si kulul u yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in madaxda madasha xisbiyada Qaran inay aad ugu xun yihiin fashilaad uu sheegay inay hoggaanka dalka uu ku fashilmay in uu dhowro wixii dadku ku heshiiyeen iyagana lagu doortay mas’uuliyadana loogu dhiibay, wixii shalay markeey hoggaanka qabanayeenna in maanta aynan hayn haddii ay ahaan laheyd dowladnimada iyo maamul goboleedyada.

Arrimaha doorashooyiska ayuu ku dheeraaday inuu ka hadlo, isagoona sheegay in waqtigii sharciyada siinayay hoggaanka dalka inuu gabaabsi marayo, shardiga keliya ee doorasho loo qabtana ay tahay mid lagu wada heshiiyay, loona baahneyn  mid qarsoon koox gaar ah iyadu wadado, taasina aan lagu canna maali doonin sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu muuqaalkaan ku boggaadiyay madaxda maamul goboleedyada shirka ay isugu tageen Dhuusomareeb ee looga hadlayo mustaqbalka iyo aayaha shacabka, isagoo u rajeeyay shirkaasi inay kasoo baxaan natiiyo ay shacabka SOomaaliyeed ku farxi doonaan.