Hadalkii Kheyre iyo jawaabtii Farmaajo ee doorashada oo banaanka keenay arrimo qarsanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shalay shirkii golaha wasiirada ka sheegay inaysan marnaba ogolaneyn dib u dhac ku yimaada doorashada dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada ay horseedi karto qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur, isla markaana ay muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

Saacado kadib waxa markiiba war soo saartay Villa Somalia, oo iyadu sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu si weyn usoo dhaweynayo hadalka Kheyre iyo go’aanka golaha wasiirada Soomaaliya, waxyar un kadib markii ay soo if-baxday kala aragti duwanaanta labada mas’uul.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa u muuqda kuwo ku kala aragti duwan doorasho xiligeeda ku qabsoomta, iyada oo Farmaajo uu ku doodayo inay dhacdo doorasho ‘qof iyo cod ah’ oo marxalada uu dalka marayo aysan saamaxeyn, sida ay rumeysan yihiin dadka daraaseya arrimahaasi.

Kheyre ayaa isaguna qaba fikir ku lidi ah midka Farmaajo oo ah in doorashada u dhacdo qaabkii hore loogu soo doortay madaxweyne Farmaajo, maadama xiligan ay muddo yar ka hadhsan tahay doorashada, isla markaana aan laga gaarin diyaarinta doorasho ‘qof iyo cod ah’.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Villa Somalia ayaa ku howlan qorshe uu Farmaajo ku rabo muddo kordhin, midaasi oo si toos ah u dhaceyn, balse u dhaceysa wax loo yaqaano ‘Muddo kordhin dad-ban’, taasi oo loo sameynayo dhameystirka doorasho ‘qof iyo cod ah’ oo dhowr jeer uu ku cel-celiyay Farmaajo.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa la rumeysan yahay inay si weyn iskugu maan-dhaafsan yihiin arrimaha doorashooyinka, midaasi oo kaliftay in Kheyre uu garabka saaro madaxda maamul goboleedyada, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ra’iisal wasaare Kheyre, xisbiyada mucaaridka ah iyo weliba madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ka mideysan doorasho xiligeeda ku qabsoomta oo aan muddo dhaafin, halka Villa Somalia ay ku howlan tahay taasi badalkeeda, wallow ay adagtahay saadalinta waxa dhici doona marka la gaaro xiliga doorashada 2020/2021.