Xiriirka Taiwan Ictiraaf ma u horseedi karaa Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayey xiriirka iyo heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan oo iyagu ah maamulo aan si rasmi ah u helin madax-banaani caalami ah.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in labada dhinac ay iska kaashan doonaan dhinacyada caafimaadka bulshada, tamarta, macdanta, waxbarashada iyo beeraha iyadoo la adeegsanayo habka Taiwan, taas oo kor u qaadaysa horumarinta iskaashiga labada dhinacba.

Somaliland ayaa iyadu u aragata guul diblumaasiyadeed oo aqoonsi u horseedi karta xiriirka cusub ee Taiwan, wallow ay sidaasi tahay, haddana ma gaarsiisna arrintu heerka loo maleeyo.

Taiwan ayaa ah Jaziirad ka tirsan Shiinaha oo sheegta inuu yahay dal madax-banaan, maadama la rumeysan yahay inuu yahay gobol isku filnaansho dhaqaale gaadhay, inkasta oo midaasi u horseedin aqoonsi caalami ah.Haddaba, xiriirka Somaliland ee Taiwan ayaa u muuqda mid aan xiligan horseedi karin ictiraaf caalami ah oo ay hesho Somaliland, maadama ay Taiwan laftigeedu ay halgan ugu jirto sidii ay u kasban laheyd madax-banaani buuxda.

Somaliland ayaa ictiraaf ku heli karta haddii dowladda federaalku ay siiso ogolaanshiyo ay kaga go’ayso, midaasi oo u muuqata mid aan xiligan iyo muddo dhow laftigeedu aysan dhaceyn, isla markaana caqabad ku ah rabitaanka iyo sheegashada Somaliland.

Heshiiska Taiwan iyo Somaliland ay dhawaan kala saxiixdeen ayaa la rumeysan-yahay in Somaliland ay guul kaga gaari karto dhanka horumarka arrimaha bulshada, maadama ay Taiwan dhaqaalo ahaan ladan tahay.