Sidee ayey Iran uga jawaabi doontaa weerarkii ay Israel ku qaaday nukliyeerkeeda?

Tehran (Caasimada Online) – Iyadoo cadeymuhu soo muuqanayaan cadaadiskuna ku sii badanayo Tehran, kadib qarixii sida daran u dhaawacay warshadda Nuclear-ka ee Natanz, ayaa su’aaluhu waxay diiradda saarayaan sida ay Iran uga jawaabi doonto.

Dowladdu waxay ku jirtaa xaalad adag sababtoo ah waxay qarixii ku tilmaamtay dhacdo, laakiin hadda waxay wajaheysaa warbixino daad ah oo warbaahinta shisheeye ay doonayan in ay ku soo gaba-gabeeyaan in qaraxa ay ka dambeeyeen koox ama wadan.

Tani waa waxa ay Iran aqrineyso: Warbaahinta waa weyn oo ay ka midyihiin New York Times, Washington Post iyo warbaahinta maxaliga ah sida Al-Jarida waxay dhammaantood raadiyeen in ay xaqiijiyaan in Israa’iil ay ku lug laheyd qarixii July 2 ka dhacay bakhaarka warshadda Nuclear-ka ee Natanz.

Sidee haddaba Iran uga jawaabi doontaa haddii ay soo gaba-gabeyso waxa ay weerarka u aragto ee Natanz?

Rajiimka Iran ee ay hoggaamiyaan ilaalada kacaanka Islaamiga ah, waxay rumeysan tahay laba nooc oo dhaqan ah. Marka hore waxay rumeysan tahay jawaab aargudasho ah, sida weerarkii gantaalada balaastika ee ay qaaday bishii January markii uu Mareykanku dilay Qaasim Suleymaani.

Waxay sidoo kale rumeysan tahay doc-ka-weerar, sida beegsiga maraakiibta safarka ku maraya gacanka Cumman, si ay u kiciso xasarado sida May iyo June sanadkii 2019-kii ama September 2019 weerarkii ay ku qaaday warshadaha Sacuudiga ee Abqaiq.

Qaabka caadiga ah ee jawaabta Iran, waa in ay wacad ku marto in ay jawaabeyso haddana aysan waxaba sameym. Tehran waxay ballan qaaday aargoosi adag, si ay uga jawaabto dilkii Sumleymani. Laakiin ilaalada kacaanka ee Islaamiga ah waxay qorsheeyeen duqeyn gantaalo ah, taasi oo ay ogaayeen in aysan dad ku dhiman doonin.

Iran waxay badanaa ballan qaadi jirtay aarsi ka dhan ah Israa’iil oo in ka badan 1000 jeer duqeymo ka fulisay bar-tilmameedyo ay Iran ku leedahay Siirya. Weli cadeymuhu waxay muujinayaan wax yar oo ah madaafiic Israa’iil looga soo tuuray Siiriya

Waxaa intaas dheer in ay Iran soo riday diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay qiimaheduna gaarayo $200 million bishii January ee sanadkii 2019-kii. Iran waxay sheegatay in ay soo riday diyaarad noocedu yahay P-8 oo Mareykanku sameeyey, laakiin waxay taasi dhab noqon laheyd haddii ay dadka Mareykan ah dileen Donald Trump ayaa aarsan lahaa.

Dowladda Iran si taxadar leh ayey u xisaabtantaa. Waxay xisaabisaa aargoosiga waana ay ogtahay in horay dhib uga soo gaaray dhabar-jebin badan. Aarsiga iyo jawaabta rasmiga ah ee Iran ma ahan toogeysi ka dhan ah cadowga ka awoodda badan, laakiin waa in ay isticmaasho maleeshiyaadkeeda, si ay wadamo u dhex gasho. Aarsigeeda rasmiga ah waa in ay baarlamaanka Lubnaan ku yeelato awoodda Xisbullah.

Illaa iyo 800 oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka Islaamiga ah ayaa Iran ka jooga Siiriya. Laakiin aarsigu waa in ay ku dhawaadaan Golan, islamarkaana ay qortaan maleeshiyaad maxalli ah. Waana mashruuc qaatay tobanaan sano. Iran weeraradeeda waxay u qaadaa si taxader iyo dhiiranaan leh, sida weeraraddii ay ku qaaday Abaiq, warshadaha shidaalka Sacuudiga bishii September ee sanadkii hore.

Iran waxay si sax ah u xisaabisay in Sacuudigu uusan duqeyn doonin. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn e Iran iyo gantaaladeeda kuruuska ah ayaa si daran u dhaawacay Abqaiq, mana aysan sababin waxyeelo nafeed. Sidaas ayey Iran maanta u qiimeysaa weeraradeeda. Markii Iran ay go’aamiso in ay aargoosato, nidaamka ciidanka ilaalada kacaanka ayaa si taxadar leh u dooranaya qaababka – laga soo bilaabo miinooyin illaa gantaalo ama Drones, si loo duqeeyo cadowga Iran ee gobolka oo dhan.