XASAN Sheekh oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD qeybna ka ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo, isagoona sheegay in Villa Somalia ay ku fashilantay qabashada doorashada.

Xasan Sheekh oo daba socday warkii xalay kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee doorashada ayaa si cad u sheegay in jahwareer baahsan uu ka taagan yahay doorashada, xili uu soo baxayo qorshe muddo kordhin.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo wada-hadal kasta oo horseed u noqon kara in la helo heshiis wax ku ool ah, arrinkaasi oo ay ka mideysan yihiin Madasha xisbiyada qaran.

Xasan ayaa madaxda dowladda federaalka oo ugu horeeyo Farmaajo ku eedeyay inay gebi ahaanba si toos ah ugu fashilantay qabashada doorasho xor ah, midaasi oo ay ka taagan tahay jawhareer.

Waxa kale oo ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada dalka inay xoojiyaan wada-tashiga la xiriira doorasho xiligeeda ku qabsoomto iyo wax uu ugu yeeray ‘samato bixinta qaranka’.

Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in xiligan loo baahan yahay tallo loo mideysan yahay sidii looga bixi lahaa khal-khalka siyaasadeed ee dalka.