Waa maxay muhiimadda SHIRKA Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ismariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa sababay in madaxda maamul goboleedyadu ay shir isugu yimaadaan magaalada Dhuusamareeb.

Hogaamiyeyaasha maamul goboleeyadu waxa ay ka wada xaajoonayaan doorashooyinka dalka ee soo aaddan iyo xaaladda kala guurka ah ee uu dalku geli doono, waxayna ku doodayaan in doorashada lagu qabto waqtigii loogu talagalay, arrintaas oo ay xukuumaddu ku adkaysanayso in waqtigeedii ay ku dhacdo.

Shirkan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ay maanta ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ayaa imanaya xilli baarlamaanka Soomaaliya ee heer federaal ee haatan jira uu muddo xileedkiisa ku egyahay bisha Nofeembar ee sanadkan.

Bilo kaddibna waxa uu mudda xileedkiisa dhammaanayaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrintaas ayaa kicisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa shakhsiyaadka u hanqal taagaya xilalka ugu sarreeya dalka iyo kuwa haatan haya ee doonaya in ay ku sii raagaan ama ay dib ugu soo baxaan.

Arrinta kaliya ee ay ku gaari karaanna waa in dalku ay doorasho ka dhacdo.

Siyaasiintaas ka sokow, waxaa sidoo kale jira in hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada ay doonayaan in ay kaalin muuqato ku yeeshaan doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo, taa oo ah midda ay dowladdu, dhinacyada mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar ay ku kala aragti geddisan yihiin.

Maxay hogaamiyayaasha maamul goboleedyadu doonayaan?

Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada qaar iyo siyaasiin miisaan leh oo ka tirsan mucaaradka ayaa doonaya qaab doorasho oo la isla wada ogolyahay, halka dowladduna ay ku adkeysanayso qaab doorasho oo dastuurka waafaqsan, taa oo ah doorasho qof iyo cod ah.

Qaabka doorasho ka sokow, waxaa sidoo kale jira muran ku saasban xilliga ay tahay in ay dalka ka dhacdo doorasho.

Waana labadaas arrimaad oo isbiirsaday waxa keenay in hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadu ay ku ballamaan shirweyne ay sheegeen in ay kaga arrinsanayaan aayaha siyaasadeed ee dalka.

Kulankan Dhuusamareeb ayaa yimid kaddib markii uu fashilmay oo uu qabsoomi waayay shirka golaha amniga qaranka ee Soomaaliya ee uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo, kaas oo ay aheyd in uu dhaco 5-ta ilaa 8-da bishan.

Shirkaasi ayaa qabsoomi waayay kaddib markii laba maamul goboleed ay diideen in ay ka soo qeybgaaln.

Waa maxay mowqifka xukuumadda federaalka ee doorashooyinka?

Madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku adkeysanayaan in doorashadu ay ku dhacdo sidii iyo wakhtigii loogu talagalay.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo hadlayay kulantii golaha wasiirrada ee Khamiistii ayaa taabtay arrin ay maamul goboleedyada iyo siyaasiinta kale ee naqdiya dowladda ay hadal hayeen oo ah muddo kordhin loo sameeyo dowladda haatan jirta, waxa uuna sheegay in marnaba aannan arrintaa lagu fikirin.

“Waxaan ku guda jirnaa xilligii doorashada sida wasiirrada badankood ay sheegeen oo ay tahay in doorashadu ay ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi, si aan u xaqiijinno rabitaanka shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan,” ayuu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaa kale oo aan isla qaadanay doorashu inay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay, waqtigaasna si ay ugu qabsoonto waa in la geliyo xoogga ugu badan oo la gelin karo. Sidoo kale waa in laga fogaado in lagu shaqeeyo feker ku dhisan muddo kordhin. Sababtoo ah muddo kordhin waxay horseedi kartaa qalalaaso siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuuri.” ayuu sii raaciyay.

Hadalka Khayre kaddib, waxaa madaxtooyada soomaaliya ka soo abxay qoraal lagu ayidayay isla mowqifkaasi.

Qoraalkaas oo uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

Kulankii ugu horreeyay ee madaxda maamul goboleedyada

Shirkan dhuusamareeb ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee in muddo ahba ay yeeshaan hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada, si ay kaga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed ee uu dalka marayo iyo doorka ay ka ciyaari karayaan.

Maamul goboleedayda iyo Xukuumadda Muqdisho ayaa midba midka kale ku eedeynayay xad-gudub ka dhan ah dastuurka qabyada ah ee dalka.

Siyaasadda Soomaaliya oo xilliyada doorasho soo dhowdahay noqota mid is-qab-qabsigeedu badan yahay ayaa muranka haatan waxa uu salka ku hayaa isla arrimahaas.

Qaabka doorasho ee ay tahay in ay dalka ka dhacdo iyo xilliga ay tahay in ay dhacdo ayuuna ka taagan yahay muranka ugu badan balse dad badan waxay haatan sugayaan waxa ka soo bixi karaya shirka Dhuusamareeb iyo in uu noqon karayo mid sii kala irdheeya dhinacyadan isku haya siyaasadda ama mid lagu heshiiyo.

Xigasho: BBC