Dhageyso: Wasiirkii xilkiisa ku waayey cod sir ah oo laga duubay oo soo hadlay

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyay inuu xilkiisa ku waayay cod sir ahaa oo nin saaxiibkiis ah uu ka duubay, kaasoo qabsaday baraha bulshada oo dadka ay isla wadaageen.

Codka sirta ee laga duubay wasiirka ayaa wuxuu ku xamanayay madaxweynahiisa Cabdicasiis Lafta-gareen iyo qorshahiisa ku aadan inuu xukunka kusii dheereysto, waxaana warka wasiirka laga dhadhansanayaa inuusan ku qanacsaneyn siyaasadda madaxweyne C/casiis Lafta-gareen.

Ugaas Xasan ayaa xaqiijiyay sax ahaanshaha warkaasi isla markaana caddeeyay inuu ka duubay qof ay saaxiibo yihiin oo uu u sheegayay inuu qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku fashiliyo baraha bulshada.

“Nin aan saaxiibo nahay ayaa si khaldan oo sharafta ban’aadamka iyo dadnimada ka baxsan cod iiga duubay, kadibna baraha bulshada si khaldan loogu baahiyay, taasina ay sabab u noqotay in xilkii aan ka hayay Koonfur Galbeed la iga qaado”, ayuu yiri Ugaas Xassan.

“Ma khaldame waa Alle, walaalkey codka iga duubay wuxuu qiray in uu khaladamay, dembina ay ahayd waxa uuu sameeyay, annigana waxaan go’aansaday in saaxibka sida khaldan codka iiga duubay aan cafiyo,”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweyne C/casiis Laftagareen ayuu sheegay in isagoo dareemaya culleyska ay arrintaas leedahay uu go’aansaday in uu xil ka qaadis ku sameeyo.

“Madaxweyne Laftagareen wuxuu rabaa in xildhibaanada been kusoo xero geliyo aysan u dooran madaxweyne mustaqbalka isagoo is waafajinaayo mudo xileedkiisa iyo baarlamaanka hadda jira” ayuu ku yiri codkiisa.

Wasiirkii Ugaas Xasan ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiradii lasoo shaqeeyay dowladii Shariif Xassan oo galaangal ku lahaa siyaasiyiintii taageersanaa maamulkii SHariifk Xasan.