DF oo shaacisay xilliga la bilaabayo bixinta baasaborka

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda socdaalka jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta beri ah oo ku beegan 12-ka July 2020 dib loo bilaabi doono bixinta baasaboorka oo markii hore loo hakiyey, sababo la xiriira cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus oo ka dilaacay dalka.

Qoraalka ka soo baxaya hay’adda ayaa waxaa ugu horreyn lagu war-geliyey Ummadda Soomaaliyeed in beri oo Axad ah dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka, iyada oo la raacayo talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19.

Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in xarun kasta ay qaabi doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray oo ah 50%.

Halkan hoose ka aqriso:

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Hadaba iyadoo laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 waxay Hay’addu soo saartay hab cusub oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:

-Xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)

-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, HSJ waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.