Taliyeyaal CIIDAN oo lagu xiray magaalada Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay xabisga dhigeen labo taliye oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee maamulkaasi, kadib markii loo soo jeediyey eedeyn culus.

Wararka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamadu ay xireen taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Nugaal, Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo taliyaha saldhiga bartamaha caasimada Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).

Sababta loo xiray labadaasi taliyey ayaa lagu sheegay in la xiriirto gadood ay dhowaan sameeyeen ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Nugaal oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha xabsiga la dhigay, kuwaas tababar loogu qaaday magaalada Qardho.

Gadoodka oo ahaa mid kooban ayaa markii dambe la xaliyey, balse waxaa labada sarkaal ee la xiray loo heystaa inay iyagu abaabuleen.

Dhanka kale saraakiisha Booliska Puntland iyo guddiga dib u habaynta ciidamada maamulkaasi weli kama hadlin xariga loo geystay taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Nugaal iyo taliyaha saldhigga bartamaha caasimada magaalada Garoowe.

Si kastaba ha’ahaatee inta badan ciidamada Puntland ayaa magaalooyinka maamulkaasi ka sameeya gadood ay uga cabanayaan mushaar la’aan, waxaana ugu dambeeyey midkii ay maalmo ka hor sameeyeen ciidanka daraawiisha ee ku sugan waqooyiga Gaalkacyo.