Faah-faahin: QARAX maanta ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka Masjidka Turkiga oo u dhow isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday kolonyo uu la socday taliyaha saldhigga Booliska degmada Kaaraan, Salad Caraale oo xilligaas marayey waddada.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaas, waxaana goobta isku geedamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale qaraxan uu saameyey dhaq-dhaqaaq wadda dheer isku xirta isgoyska Fagax iyo xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Weli mas’uuliyiinta maamulka degmada Kaaraan kama hadlin weerarka qaraxa ah, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo todobaadyadii lasoo dhaafay  siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba, amni darrada ka jirta caasimada ayaa waxaa loo sababeynayaa xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro iyo mashquulka doorashooyinka ka socda Soomaaliya.