Faah-Faahin: Qarixi maanta ka dhacay..

Janaalle(Caasimada Online) Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax nooca gacanta laga tuuro oo maanta duhurkii ka dhacay degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ka dhacay suuqa degmada Janaalle oo mashquul ahaa ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay afar qof in ka badan 1o kalena waa ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantood ah rayid ah sida uu lee yahay guddoomiyaha degmada Maxamed Idiris oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday Isbitaal AMISOM ay maamusho oo ku yaalla degmada Janaalle.

Qaraxa ayaa ku soo aaday iyadoo maanta oo kale uu mashquul  yahay suuqa degmada Janaalle maadama dadka ku nool degmadaas ay yihiin beeraleey.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay qaraxa maanta ka dhacay degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

Faah-Faahin: Qarixii ka dhacay Janaalle