Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ki sugnaa degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaaadir.
Cabdulaahi Khayaad Barre ayaa dilkiisa waxa uu ka dhacay meel u dhaw hoygiisa xili uu ku sii jeeday Xaruunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Koox saarnaa gaari nooha ah ayaa la xaqiijiay in ay toogteen, kuwaas oo ilaa hada la ogayn waxa ay ahaayeen.
Dilkan ayaa yimid xili Barlamaanka Maanta ay ka doodi doonaan, cod u qaadista Wasiirada uu soo dhisay Cumar Cabdirashiid.
Waxaa goobta la qaaday meydkiisa kadib markii ay imaadeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ka kooban nabad sugid iyo Booliis.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]