Faah-faahino laga helayo qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon, waxaana qaraxa uu ahaa mid gaari lagu xiray.

Qaraxa ayaa sababay dhaawaca labo ruux, waxaana la sheegay inuu ka badbaaday ruuxii lahaa gaariga oo ahaa nooca raaxada oo yaalay meel ku dhow isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo mudo daqiiqado ah hakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fasaxeen.

Waxaana socday baaritaanka la xiriira sida gaarigaasi qaraxa loogu xiray, islamarkaana loo dhigay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon.

Qof goobjooge ahaa xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa sheegay in mar qura ay ka war heleen jugta qaraxa,isla markaana ay kala carareen,waxaana uu sheegay in xaalada iminka ay tahay mid degan.

Qaraxyada gawaarida lagu dhejiyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay aad ugu soo badanayeen gudaha Magalada Muqdisho,waxaana todobaadkii la soo dhaafay wadada Maka-Almukarama ka dhacay laba qarax oo ahaa kuwa gawaarida lagu dhejiyo.

Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday baaritaanka amaanka lagu xaqiijinayo, waxaana haddana dhacayay qaraxyada iyo falalka amni darada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com