Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Ceel Hareeri.
Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda beesha Xawaadle iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo isku aruursanayay duleedka deegaankaas. Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidanka Macawiisleyda Xawaadle ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu arkay agagaarka deegaanka Ceel Hareeri.
Weerarkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Macawiisleyda inay meesha ka saaraan hanjabaadda iyo joogitaanka Al-Shabaab ee deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhawaqa rasaasta iyo qaraxyada laga maqlayo meelo fog-fog oo u dhow goobta dagaalku ka socdo.
Inkasta oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, hadana wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaare naf iyo maalba leh.
Xaaladda deegaanka ayaa wali aad u kacsan maadaama xabadu ay wali socoto, taasoo adkeyneysa in si buuxda loo ogaado xogaha dhabta ah ee dagaalka. Dhibbanayaal ayaa la filayaa inay jiraan maadaama dagaalku uu yahay mid culus oo baaxad leh.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, taas oo guud ahaan dalka laga ciidayo si farxad leh. Si kastaba, dadka deegaanka Ceel Hareeri ma aysan helin fursad ay ku ciidaan si nabad ah, waxayna maalintooda ciida ku waabariisteen rasaas iyo weeraro ay ku doonayaan inay iskaga xoreeyaan argagixisada.
Gobolka Hiiraan ayaa noqday gobolka kaliya ee wali si toos ah dagaal uga socda oo lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Dagaalka gobolkaas ka socda waxaa hoggaan u ah oo si firfircoon uga qayb qaadanaya Macawiisleyda beesha Xawaadle oo door weyn ka qaadatay abaabulka iyo hirgelinta weerarada lagula dagaalamayo kooxda.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in ciidanka dowladda iyo beelaha kale ee dariska la ah Xawaadle aysan si muuqata uga qeyb qaadan dagaalada dhawaanahan ka dhacayay gobolka Hiiraan. Taasi oo culayska dagaalka dusha ka saartay beesha Xawaadle oo keligood la tacaalaya halista Shabaabka.
Arrintan ayaa abuuraysa su’aalo badan oo ku saabsan kaalinta dowladda iyo beelaha kale ee gobolka, iyada oo loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii looga wada hortagi lahaa khatarta kooxda Al-Shabaab ee ka jirta gobolka iyo guud ahaan dalka.

