29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Faah-faahinta dagaal maanta ka dhex-qarxay ciidamada DF iyo kuwa Jubaland

Bookmark
Bookmarked

Share

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gedo ee koonfurta dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedka Jubbaland ay ku dagaalameen gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Israsaaseyn kooban aya dhex-martay labada ciidan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Sida ogaatay Caasimada Online, dagaalka ayaa si gaar ah u dhex-maray ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gudaha magaalada Garbahaarey iyo kuwa kale oo taabacsan wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga Jubbaland oo dhinac ka dagan magaaladaasi.

Dagaalka ayaa ka dhacay guri uu halkaasi ka dagan yahay wasiir ku xigeenka, iyada oo kadib ilaaladiisa ay isku dhaceen ciidamada federaalka ee ka howlgala Garbahaarey.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalka, iyada oo dhaawacyo kale ay soo kala gaareen askarta labada dhinac.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana xiisad la xiriirta dagaalkan laga dareemaaa gudaha magaalada Garbahaarey, taas oo cabsi ay ka muujinayaan dadka deegaanka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dawladda Federaalka iyo Jubbaland oo ku aadan dagaalka mar kale ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Xaaladda gobolka ayaa maalmahan daganeyd, kadib markii laga adkaaday ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwooda ku sugnaa degmada Beledxaawo, waxayna u firxadeen gudaha Kenya, kadib markii Janan iyo ciidamada dowladda ay qabsadeen magaaladaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan qorshe ballaaran ka wadda gobolka, waxayna dooneysaa in la gaarsiiyo qorshaheeda ku aadan doorashooyinka qof iyo codk ah.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ay socdaan wada-hadallo u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo, sida uu xaqiijiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in xal waara lagu gaaro kahor doorashooyinka Soomaaliya ee 2026.

- Advertisement -

Read more

Local News