25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Faah-faahinta dil muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Khayelitsha ee magaalada Cape Town, Koonfur Afrika ayaa sheegaya in habeenimadii xalay lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Abuukar ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee si wanaagsan looga yaqaanay gobolka Western Cape, halkaas oo uu ganacsi ku lahaa.

Dilka ayaa ka dhacay gudaha goobtiisa ganacsi, waxaana falkan geystay rag hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday.

Booliska Koonfur Afrika ayaa goor dambe gaaray halkii uu falka ka dhacay, balse baaritaan kooban oo ay sameeyeen kama soo bixin natiijo la taaban karo.

Falkan ayaa qayb ka ah dilalka iyo weerarrada sii kordhaya ee lagu bartilmaameedsanayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo inta badan aan wax jawaab ah laga helin hay’adaha amniga.

Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan caasimadda Cape Town waxaa si joogto ah uga dhaca weerarro isugu jira dilal, dhaawacyo iyo dhac loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ka ganacsada.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa mar kasta sheegta inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku nool waddankaasi, balse weli ma muuqato qorshe cad oo looga hortago weerarrada iyo tacaddiyada lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News