Jeddah (Caasimada Online) – Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud ayaa ku boorriyey dalalka gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika inay xoojiyaan iskaashiga ka dhanka ah musuq-maasuqa, si dib loogu soo celiyo hantida la dhacay.
Hadalkan ayuu ka jeediyay Kulankii Sanadlaha ahaa ee ugu horreeyay ee Shabakadda Hay’adaha Dib-u-celinta Hantida ee MENA-ARIN, kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudiga.
Kulankan oo dhacay Arbacadii ayaa isugu keenay masuuliyiin ka kala socday hay’adaha garsoorka iyo kuwa la dagaallama musuqmaasuqa ee gobolka, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo isdhaafsiga khibradaha ku saabsan raadinta iyo soo celinta hantida la lunsaday.
Wasiir Xasan ayaa sheegay in shabakadda MENA-ARIN ay tahay fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo awoodda hay’adaha cadaaladda iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, isagoo ku tilmaamay “tallaabo taariikhi ah oo mideyneysa dadaallada gobolka.”
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in dambiyada maaliyadeed ee sida musuqmaasuqa, dhaqidda lacagta sharci-darrada ah iyo maalgelinta argagixisada aysan lahayn xuduud qaran, sidaas darteedna loo baahan yahay iskaashi mideysan oo lagu wajaho.
Wasiir Xasan ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si firfircoon uga qayb qaadato howlaha shabakadda, isla markaana ay la wadaagto dalalka kale waayo-aragnimada iyo farsamooyinka ay horay u soo baratay.
Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay dowladda Sacuudiga oo martigelisay kulanka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeraya dadaallada MENA-ARIN, isagoo tilmaamay in iskaashigan uu horseedi karo horumar muuqda oo dhinaca daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka ah.
“MENA-ARIN waxay dhidibada u taagtay jid cusub oo iskaashi, kaas oo fursad u ah in la mideeyo dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta, cadaaladda iyo dib-u-helidda hantida la dhacay,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin Maxamuud.

