Faah-faahinta howlgal ay booliska ku galeen bakhaar ku yaalla suuqa BAKAARO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin kasoo saaray howl-gal ay maanta ciidamadu ku galeen bakhaar ku yaalla suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, oo lagu keydiyo raashinka.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada saldhigga degmada Hodan ay gacanta kusoo dhigeen raashin fara badan oo dhacay, kuwaasi oo lagu iibinayay bakhaarka ay gudaha u galeen ciidamada ee suuqa Bakaaro.

Afhayeenka ayaa sheegay in howl-galkan uu yimid kadib cabasho ka timid shacabka, islamarkaana ay ciidamo howl-gal gaar ah ku galeen bakhaarka, ayaga oo sidoo kale gacanta kusoo dhigay dadkii raashinkaasi dhacay dadka ka gadayay.

“Howl-gal ayaa lagu fuliyay bakhaar alaab lagu iibinayay suuqa bakaaraha, howl-gal ayaa lagu fuliyay oo gacanta ayaa lagu soo qabtay. Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay dadkii eedeysanayaasha ah ee alaabtaas iibinayay,” ayuu yiri Afhayeen Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada la horgeyn doono cadaaladda, ayna wajihi doonaan maxkamadda awoodda u leh, si tallaabo sharci ah looga qaado.

“Waxa dadka lagu dhibaateeyo raashin dhacay kaliya ah ma ahan ee waa kamid yihiin, marka waxkasta oo dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateynayo waa ka hortageyna, waana ka qabaneyna Insha Allah.”

Sadiiq Doodishe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-gallada noocaan ah ay kasii socon doonaan caasimadda, wuxuuna uga digay dadka ku howlan arrimahaan inay ka waantooban, “ciddii ku howlan ayaga iyo sharciga is-waafajin doona, oo gacanta ayaa lagu dhigayna.”

Si kastaba, Howl-galkan ayaa qeyb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda federaalka ay ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo muddooyinkii dambe lagu xaqiijinayo amniga, burcadda iyo ciyaal-weerada.