Fal-celin xooggan oo ka dhalatay madal dadweyne oo uu ka baaqsaday R/W Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka baaqsaday inuu ka qeyb-galo dood dadweyne oo loo ballansanaa galinka dambe ee maanta, taasi oo qorshuhu ahaa in su’aallo lagu weydiiyo.

Xamza oo ka cudur-daartay madasha dadweyne ee lagu weydiin lahaa su’aalaha, ayaa waxa lagu sheegay inuu uga baaqsaday kadib markii shaqooyin qaran oo dalka iyo dadka muhiim ah ay kusoo kordheen ra’iisul wasaaraha.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu yiri “Cudur-daar: Shaqooyin Qaran oo Dalka iyo dadka muhiim u ah oo kusoo kordhay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda aawgeed waxaa dib loo dhigay Barnaamijka Dood Furan oo galabta aan ku ballansaneyn.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Waqtiga laga dhigi doono Dooda dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonnaa insha Allah . Mahadsanidiin.”

Arrintan ayaa durba waxaa ka dhashay fal-celin xooggan, ayada oo dadweynaha saacado un kahor xilligii loo ballansanaa madasha (barnaamijka dood furan) ee su’aalaha lagu weydiin lahaa Xamza, lagu wargeliyay inay baaqatay, taasi oo u cuntami weysay dadka qaar.

Haddaba, Sidee ayaa looga fal-celiyay arrintaan?

Caasimada Online, ayaa idin soo aruurisay aragtiyada ay bulshada Soomaaliyeed kaga fal-celiyeen ka baaqsiga Xamza ee madashaan, oo cudur-daarkeeda lagu baahiyay warbaahinta dowladda, Hoos ka aqriso:

Saddam Cabdi Cabdille: “Maxaad nooga baajiseen waa laga oohin lahaa raysal wasaaraha.”

“Shaqooyinka Qaranka muhiimka u ah waxa ugu weyn uguna fiican ballanta oo waqtigeeda lagu ilaaliyo,” ayuu yiri Yaasiin A.Malin oo kamid ah dadka ka fal-celiyay cudur-daarka iyo baaqsiga Xamza ee madasha dadweyne.

Xasan Cali: “Su’aalihii iyo jawaabihiisa maa isku aad-aadin ku wadiin micnaha.”

“Wan sugaynaa doodda lagu waydiinayo su’aalaha Raysalwasaaraheena sharafta leh,” ayuu sidoo kale yiri Cabdirisaaq Cumar.

Cabdicasiis Waddani ayaa isagna yiri: “Su’aalihii baa naga si lumineysaaan miyaa?.”

“Hadda waxaa na leedihiin Xasan ma shaqeyste waaye oo marwalbo waa la heli karaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Nuur oo isagu kamid ah dadka u cuntami weysay in Xamza uu ka baaqsado madashaan, halka kal hore madaxweyne Xasan Sheekh waqtigeeda kusoo xaadiray.

Axmed Nuur ayaa isagna yiri: “Awalba dood furan ma sugayn anigu.”