Hanti-dhawrka oo soo saaray amar lagu joojinayo dhisme sharci darro ah oo ka socda…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa amray in si dhakhso ah loo joojiyay dhisme ka socda xaruntii hore ee iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee degmada Warta Nabada, gaar ahaan waaxda Barwaaqo ee magaalada Muqdisho.

Hanti-dhawrka ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in dhismahaasi uu yahay mid sharci darro, islamarkaana dhismaheeda ay waday shirkad ay heshiis la galeen dad gaar ah, oo uusan magacaabin.

“Waxaa hay’addaha dowladda ee ay warqadani sida tooska ah ugu socota waxa lagu wargelinayaa in si deg-deg ah loo joojiyo dhismaha sharci darrada ah ee ka socda xaruntii hore ee Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee Degmada Warta Nabadda, gaar ahaan Waaxda Barwaaqo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warqada uu soo saaray hanti-dhawrka ee lagu joojinayo dhismahaan ayaa waxaa si toos ah loogu socod-siiyay; Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida umadda iyo u hoggaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo bad-qabka hantida Qaranka.”

Hanti-dhawrka ayaa waxa uu sheegay in dhulalka ay leedahay dowladda Soomaaliya uusan jirin qof gaar ah oo yeelan kara dhul aan dowladdu siin, ka iibin ama u ogolaan, islamarkaana ay sharci darro tahay “hibeynta, bixinta iyo wareejinta dhulka dowlada.”

Qoddobada uu go’aankan u cuskaday Hanti-dhawrka Qaranka ayaa waxaa kamid ah qodobka 43-aad (2 & 4) ee Dastuurka Ku-meel gaark ah JFS iyo Qodobka 50-aad (1) Xarfaha (b & t) ee sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr.17, ee 25/12/2019).

Waxaa xusid mudan in go’aankan kasoo baxay hanti-dhawrka ee lagu joojinayo dhismahaan oo faah-faahin dheeraad ah laga bixin, ay ka wada socdaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, sida ku xusan qeybta hore ee warqadda kasoo baxday xafiiska.