Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyo waddada muhiimka ah ee isku xirta gobolkaasi iyo gobolka Bay.
Ujeeddada howl-galka ayaa ah sugidda amniga deegaannadaasi, iyadoo la xakameynayo dhaqdhaqaaqa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo mararka qaar ku dhuunta halkaas.
Ciidamada Danab ayaa sidoo kale baaritaanno ku sameeyay gaadiidka dadweynaha iyo dadka isticmaalaya waddooyinka, si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud ee shacabka ku nool aaggaasi.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku bogaadisay geesinimada iyo dedaalka ay muujiyeen ciidamada Danab.
“Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxay ammaan iyo bogaadin u diraysaa geesiyaasha Danab ee si joogto ah ugu taagan ilaalinta shacabka iyo sugidda xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Howl-galkan ayaa qeyb ka ah howl-gallada gaar ah ee kooxda Al-Shabaab lagula dagaalamayo, kaasi oo ay ka kaashanayaan ciidamada qaranka iyo kuwa xaq-udirirka deegaanka.
Si kastaba, Dagaalladan oo bilihii lasoo dhaafay uu ku yimid gaabis ayaa horseeday in kooxdu dib ula wareegto deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay Moqokori oo illaa iyo hadda ay haysato kooxdu.
Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka, haddana weli ma muuqdo duullaan culus oo kooxda dib looga furanayo deegaanada ay qabsatay.