25.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Faah-faahinta qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhasha qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo barqanimadii maanta ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si xooggan looga maqlay xaafado kamid ah caasimada ayaa dhaliyay khasaar kala duwan, inkastoo aan la shaacin karin inta uu gaarsiisan yahay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa looga hadlay qaraxa, waxaana lagu sheegay inuu gaystay naftii halige ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Qarax ayaa saaka abaare 11:20AM ka dhacay afaafka hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo uu fuliyay qof naftii halige ah oo ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale qoraaka ayaa lagu sheegay in haatan ay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada dowladda, dibna ay wasaaraddu ka shaacin doonto faah-faahinta.

“Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaanno, waxaana shacabka la wadaagi doonaa macluumaadka rasmiga ah marka uu soo dhammaystirmo, haddii Alle idmo” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada hor marta Kuliyadda oo muhiim ah shacabka.

Weerarkan is-miidaaminta ah ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii ugu dambeeyay laga nastay qaraxyada ay caasimada ka fuliyaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag kula jira Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda.

Inta badan kooxda ayaa beegsata xerooyinka ciidamada, waxaana horay ay u qarxisay dhalinyaro qoranayay ciidamada oo ku sugnaa qaar kamid ah xerooyinka Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News