Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay buush ku yaalla halka lagu magacaabo Tuurta, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in goobta la qarxiyay ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo dad shacab ah oo qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay miinada lala eegtay.
Goobta uu qaraxy ka dhacay ayaa aad ugu dhow xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Dhaawacyada ayaa si deg-deg ah loola cararay isbitaalka guud oo hadda laga soo warinayay inuu yahay mashquul xoogan
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad kacsan, ayada oo meesha ay wax ka dhaceen ay isku geedaameen ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta degmada oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha dhaliyay.
Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay weeraro u badan kuwa qaraxyada oo qaarkood lala beegsaday xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi.